”250 sano oo aad jirteen waxaad dagaal moogaydeen 16 sano oo qura” – Shiinaha oo furka ku xooray Maraykanka + Halka la iska qoomay

0

(Beijing) 03 Dis 2022 – Shiinaha ayaa ugu baaqay Maraykanka in uu ka tanaasulo wax uu ku sheegay “diblamaasiyaddeeda khasabka ah” waxaana ay tilmaameen taariikhdooda dheer ee ku dhisan siyaasadda arrimaha dibedda ee gardarada ku dhisan kaddib markii sarkaal sare oo Maraykan ah uu soo jeediyey in Beijing ay khatar ku tahay wax uu ku tibaaxay “nidaamka caalamiga ah ee ku salaysan qawaaniinta.”

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa la waydiiyey inuu ka jawaabo warkii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, uu shaaca kaga qaaday in Beijing ay “caqabad nidaamsan” ku tahay Gaashaanbuurta NATO iyo “meelaha la xiriira amniga isbahaysigaasi.”

Faallooyinka Maraykanku kuma salaysna xaqiiqooyin waxayna ka tarjumayaan caqliyad dagaal qabow eexda fikradeed ku dhisan oo xididaysatay,” ayuu yiri Zhao, isagoo raaciyey in Washington ay tahay “asalka iyo khabiirka diblamaasiyadda ku dhisan khasabka,” taasoo u dhaxaysa “min goodinta go’doomin siyaasadeed, cunaqabatayn dhaqaale ilaa go’doomin tignoolajiyadeed.”

Hadalka Blinken ayaa yimid intii lagu guda jirey shir-madaxeedka weyn ee NATO ee ka dhacay Bucharest, Romania horraantii toddobaadkan, halkaas oo isbahaysiga millateri ee uu Maraykanku hoggaamiyo ay si wayn diiradda u saareen dagaalka Ukraine, balse waxaa aad loo xantay Shiinaha oo lagu sheegay inuu yahay caqabadd ugu sarreeysa ee Washington hor taalla, waloow uu Blinken uu ku afgobaadsaday in Maraykanku u furan yahay “wadahadal wax ku ool ah” oo lala yeesho Shiinaha oo aanu raadinayn “dagaal qabow oo cusub.”

Zhao ayaa si adag uga af-celiyay warkaasi, “isagoo Maraykanka ku sheegay qas wale caalami ah oo kiciya qalalaasaha ka jira adduunka oo dhan,” tusaalana usoo qaatay in kharashka sanadkii ku baxa millateriga Maraykanku uu ka sarreeyo xitaa marka la isku daro sagaalka waddan ee kusii xiga oo idil.

“Dhamaan ku dhowaad ​​250 sano oo taariikhdooda ah, Maraykanku wuxuu dagaal moogaa kaliya 16 sano. Waxa ay dunida ku leeyihiin in ka badan 800 oo saldhig ciidan,” ayuu ku qayliyey afhayeenka oo hadalkiisa sii raaciyey. “Howlgallada millateri ee ay ka sameeyeen dalalka Ciraaq, Afgaanistaan iyo Liibiya waxay horseedeen musiibo bini’aadminnimo oo aan la soo koobi karin… Sidoo kale, way caddahay cidda wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida caalamiga ah iyo tan gobolka.”

Hadalsame Media