Szczesny oo ”kashifay” sida uu ku gartay halka uu Messi u ridayo rigoorihii uu xalay ka qabtay

0

(Dooxa) 01 Dis 2022 – Qabtaha Polish-ka ah ee Wojciech Szczesny ayaa daaha ka qaaday inuu garanayey dhinaca uu Lionel Messi rigoore u ridi doono isagoo qishkaa ka qaatay habka uu kubbada ugu dhigtay ama u sallaxday.

Messi ayaa qaybtii hore ee ciyaarta khasaariyey wax u muuqdey gool ku laad muran dhalis ahaa, xilli ay Argentina ku raad joogtey gool muhim ah si ay u xaqiijiyaan in ay u soo gudbaan wareega 16-ka ee KA.

Kulankan daraamaha miiran ahaa oo ka tirsan kulamada Group C, ayay markii dambe goolal ay kala dhaliyeen Alexis Mac Allister iyo Julian Alvarez Argentina u xaqiijiyeen inay ku dhameystaan kaalinta koowaad ee group-ka – iyadoo Poland ay soo baxday iyadoo farqiga goolasha kaga sarraysa Mexico.

“Waan ogaa inuu u laadayo bidixdayda. Markaas ayaan raacay, markii aan dareemay, waan difaacay.” ayuu yiri Wojciech Szczesny oo sidoo kale ku dooday in rigooraha laftiisu aanu ansax ahayn maadaama khaladka loo cuskaday uusan gelin sida uu sheegay.

Hadalsame Media