Muuqaallo dayax-gacmeed oo muujinaya waxa kusoo socda dalka Ukraine + Sawirro

0

(Hadalsame) 01 Dis 2022 –  Diyaaradaha wax duqeeya ee Tu-95 iyo Tu-160 ee Ruushanka ayaa si cad uga muuqda sawirrada dayax-gacmeedka. Ugu yaraan 12 bamar ayaa ka muuqda sawirka kuwaasoo kala ah: 8 xabbo oo Tu-95 ah iyo lix xabbo oo Tu-160 ah.

Intaa waxaa dheer, sawirrada dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale muujinaya joogitaanka ugu yaraan shan diyaaradood oo xamuul ah.

Waxaa sidoo kale la arkayaa gawaarida jiida karreetooyinka lagu qaado gantaalaha nooca loo yaqaano Cruise-ka, kuwaas oo soo muujinaya in diyaaradaha xamuulka ihi ay halkaa gaarsiiyeen gantaalo ay wax ku duqeeyaan diyaaradahani.

Engels-2 waa saldhigga ugu wayn ee diyaaradaha duqaymaha istiraatijiga ah ee Ruushka.

Waa saldhigga ugu wayn ee qaybta 121-aad ee Heavy Bomber Aviation Sevastopol Red Banner Regiment, kuwaas oo ku shaqeeya diyaaradaha Tu-160M ee tuura bambooyinka waawayn.

Waxaa sidoo kale dheer Guutada 184-aad ee Bambarka Culus, kuwaas oo duuliya noocyada Tu-95M. Tan iyo bilawgii dagaalka, Ruushku waxa uu saldhiggaas dhowr jeer u adeegsadey duqaymo uu ka gaystey Ukraine.

Russia 'parks' 12 Tu-95 and Tu-160 bombers at Engels-2 air base
Photo credit: Twitter
Russia 'parks' 12 Tu-95 and Tu-160 bombers at Engels-2 air base
Photo credit: Twitter

Their opinion is also dictated by the fact that the trolleys for carrying cruise missiles were also brought out at a time when cargo planes had already wintered. Most likely, experts say, in the coming hours or a day or two, Ukraine will again be subject to massive Russian missile attacks.

Falanqeeyayaasha millateriga iyo khubarada kale ayaa sheegay in marka habkan oo kale diyaaradaha loo dhigo dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan, in diyaaradaha wax duqeeya lagu rarayo gantaalaha nooca loo yaqaan Cruise-ka iyo bambooyinka.

Waxay markaa u badan tahay, sida khubaradu ay yiraahdeen, in saacadaha soo socda ama maalin ama laba, Ukraine ay mar kale la kulmi doontaa weerarro culculus oo gantaalaha Ruushka ah.

Hadalsame Media