Baro 10-ka garoon ee ugu qadiimisan Afrika (Waxaa kuwa ugu horreeya ka mid ah mid Somalia ku yaalla)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2022 – Waxaa lasoo saaray garoomada ugu qadiimisan qaaradda madow ee Afrika, waxaana ku jira Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ku yaalla caasimadda Somalia ayaa noqday garoonka afraad ee Afrika ugu da’da wayn waxaana la sameeyey ka da’ wayn seddax (3) oo qura, iyadoo la dhisay 1928-kii.

Tan kale, waa Garoonka ugu qadiimisan Bariga Afrika oo idil, iyadoo uu ugusoo dhowi uu yahay midka Galbeedka Nairobi ee dalka Kenya oo la dhisay 1929-kii.

Kuwani waa 10-ka garoon ee ugu da’da wayn qaaradda Afrika:

1. Heliopolis Airport, Egypt 🇪🇬 , 1910
2. Biskra Airport, Algeria 🇩🇿, 1917
3. Casablanca Airport, Morocco 🇲🇦, 1917
4. Aadan Cadde Airport Ex Mogadishu Airport, Somalia 🇸🇴,1928
5. Nairobi West Airport, kenya 🇰🇪, 1929

6. Rand Airport, South Africa 🇿🇦, 1929
7. Almaza Airport, Egypt 🇪🇬, 1932
8. Lideta Airport, Ethiopia 🇪🇹, 1932
9. Tripoli Airport, Libya 🇱🇾, 1934
10. Mallam Aminu Kano Airport, Nigeria 🇳🇬, 1936

Hadalsame Media