XOG: Ronaldo oo heshiishkii abid ugu qaalisana la saxiixday koox Carbeed

0

(Hadalsame) 29 Nof 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis rikoodh jebis ah oo uu sanadkii ku qaadanayo 172.9 milyan ginni kula heshiiyey kooxda Al Nassr ee dalka Sacuudiga.

37-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa Manchester United la fasaqay horraantii bishan, kaddib markii uu xumaaday xiriirka uu la lahaa madaxda kooxda, taasoo kasii dartay markii uu dhowr hadal oo muran dhaliyey ku sheegay wareysi uu TV ku siiyey Piers Morgan.

Hadda Ronaldo ayaa la sheegay inuu la heshiiyey kooxda Al Nassr muddo laba sano iyo bar ah – kaasoo ku kacaya 172.9 milyan ginni sannadkii – isagoo u ciyaari doona ilaa da’da 40 jirka, sida laga soo xigtey wargayska Spanish-ka ah ee Marca.

Ilo wareedyo ku dhow xiddigii hore ee Real Madrid iyo Juventus ayaase ku adkaysanaya inuusan jirin wax heshiis ah oo la saxiixay, iyagoo sheegay in Ronaldo uu weli diiradda saarayo Koobka Adduunka ee dalkiisu ka qaybgelayo, laakiin wararka maanta ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ‘qiimahan qaaliga ah’ la isku raacay oo uu saxiixii uun haray.

Al-Nassr ee Sucuudiga oo ku dheesha Mrsool Park, ayaa qaada 25,000, kaasoo aad uga geddisan Old Trafford.

Hadalsame Media