Qorshe ay meel muhim ah uga midoobayaan dalalka Geeska Afrika oo lasoo jeediyey

0

(Hadalsame) 29 Nof 2022 – Waxaa socda fan-hadal iyo sheeko siyaasadeed (narrative) cusub oo ka socda Geeska Afrika, kuwaasoo ay dadka wadaa soo jeedinayaan inay xiriir dhow yeeshaan dalalka la isku yiraahdo Geeska Afrika – Itoobiya, Somalia, DJbouti iyo Eritrea.

Haatan bog la sheego inuu leeyahay ama ugu yaraan taageersan MW Eritrea ee Isaias Afwerki oo magaciisa wata ayaa soo jeediyey in dalalkan afarta ah oo lagu daray Sudan ay samaystaan isbahaysi ciidan oo u dhigma NATO.

”Waxaan qabaa in Eritrea, Itoobiya, Sudan, Somalia ay samaystaan isbahaysi ciidan sida NATO oo kale. Waxaan ku magacaabi karnaa HOASA (Horn Of Africa Strategic Alliance),” ayay ku bilaabeen.

“Weerarkii mid ka mid ah loo gaysto waa weerar lagu qaaday dhammaantood. Taasi waa sida kaliya ee lagu joojin karo cagajuglaynta reer Galbeedka!!” ayay raaciyeen.

Hadalsame Media