Yaa xalay kashifay in Ronaldo uusan taaban gool markii hore isaga loo qoray?

0

(Dooxa) 29 Nof 2022 – Portugal ayaa xalay daqiiqaddii 54-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaartii ay la lahaayeen Uruguay.

Yeelkeede, waxa shaki la geliyey aqoonsiga gool dhaliyaha iyada oo Bruno Fernandes iyo tababare Fernando Santos ay awoodi waayeen in ay kala caddeeyaan xitaa ciyaarta kaddib in Ronaldo uu sameeyey taabashadii ugu dambaysey iyo in kale.

Haddaba, tignoolajiyad ku shaqaysa dareemayaal casri ah oo kubbaddii ciyaarta ku dhex jirtey ayaa si buuxda u caddaysay in Cristiano Ronaldo aanu wax taabasho ku samaynin goolkii furitaanka ee ciyaartii ay Portugal 2-0 kaga badiyeen Uruguay Isniintii shalay.

Xiriirka FIFA iyo soo saarayaasha kubbadaha iyo agabka isboortiga ee Jarmanka ah ee Adidas ayaa sidaa u xaqiijiyey ESPN.

Yeelkeede, sida uu sheegayo weriyaha ka tirsan Chiringuito, Edu Aguirre, Xiriirka Portuguese-ka ayaa doonaya inay caddayn kale u geeyaan FIFA taasoo muujinaysa in goolka uu dhaliyey Cristiano Ronaldo e aanu shuqul ku lahayn Bruno Fernandes.

Hadalsame Media