TIRAKOOB: Dadka Ingiriiska oo markii ugu horraysey taariikhda diin ahaan dalkoodii looga tira batay meelaha qaarna dad ahaan (Muslimiinta oo kordhay)

0

(London) 29 Nof 2022 – Gobollada England iyo Wales ee UK ayaa waxay noqonayaan kuwo ay kusii yaraanayaan dadka cadaanka iyo Masiixiyiinta ah, xog cusub oo rasmi ah ayaa sidaa shaaca ka qaaday maanta.

Tirada dadka ku nool England iyo Wales ee isu aqoonsan in qowmiyad ahaan ay yihiin caddaan ayaa hoos ugu dhacday ku dhowaad 500,000 ama nus milyan muddo toban sano gudahood ah, sida uu sheegay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee ONI.

Qiyaastii 81.7 boqolkiiba dadka deggan England iyo Wales ayaa isku tilmaamay inay yihiin caddaan maalintii tirakoobkan la shaaciyey oo la sameeyey sanadkii tegey ee 2021, taasoo ka dhigan hoos u dhac gaaraya 86 boqolkiiba marka loo eego toban sano kahor.

The second most common ethnic group was ‘Asian, Asian British or Asian Welsh’ at 9.3 per cent, up from 7.5 per cent in 2011.

The ONS also revealed that two-thirds of Londoners now identify as being from an ethnic minority.

Qowmiyadaha labaad ee ugu badan UK waxay noqdeen ‘Aasiyaanka caadiga ah, Aasiyaanka haysta dhalashada British-ka ama Aasiyaan Welsh’ waxayna dalka ka yihiin 9.3 boqolkiiba, waana koror kasoo kacay marka loo eego 7.5 boqolkiiba oo ay ahaayeen 2011-kii.

ONS waxa kale oo ay shaaca ka qaadeen in saddex-meelood laba meelood dadka reer London ay hadda u aqoonsan yihiin inay ka soo jeedaan qowmiyadaha laga tirada badan yahay ama dadka aan asal ahaan UK u dhalan.

Sidoo kale markii ugu horraysey tan iyo markii tirakoobkani bilaabmay ku dhowaad 200 oo sano kahor in ka yar kala bar dadka ayaa sheegay inay Masiixiyiin yihiin. Haatan, in ka badan saddex meelood oo meel waxay sheegeen inaysan haysan wax diin ah haba yaraatee.

Qiyaastii 46.2 boqolkiiba dadwaynaha England iyo Wales ayaa isku tilmaamay inay yihiin Masiixi xilligii tirakoobka 2021, taasoo hoos uga dhacday 59.3 boqolkiiba toban sano kahor, sida ay ONS tiri. Tani waa markii ugu horraysay taariikhda ee saamigu uu hoos uga dhaco kala bar boqolleey ahaan.

Boqollleeyda dadka sheegaya in aanay diin lahayn ama ay Mulxidiin yihiin ayaa ka koray qiyaastii rubuc ay ahaayeen sannadkii 2011-kii (25.2 boqolkiiba) waxayna haatan gaareen wax ka badan ilaa saddex meelood meel 2021 (37.2 boqolkiiba).

Waxaa dhanka kale jira koror ku yimid saamiga dadka sheegay inay Muslim yihiin (waxay toban sano kahor ahaayeen ilaa 4.9 boqolkiiba balse hadda waa 6.5 boqolkiiba) halka Hindu (oo ahaa 1.5 boqolkiiba uu noqday 1.7 boqolkiiba).

Hadalsame Media