“Inta qorigii soo wareejistey ayuu 5 xabbadood ku dhuftay maalintii xigteyna…” – Qiso dhab ah

0

(Hadalsame) 28 Nof 2022 – Maxamed dhaawacyo culus oo kuwo wajigu ugu darnaayeen baa gaaray, balse ma ahayn kuwa halis ku ah noloshiisa. Wajigiisa oo dhan dhiig baa qariyay.

Abtigay ayaa geeyay farmashi (pharmacy) meesha ku yaallay, kaas oo faashado ku soo duubay. Ma jiro qof caddayn karayay runnimada eedaynta uu Boqoljirow ku soo oogay Maxamed, mana jirin cid sii dabagashay xaqiijinta eedayntaas.

Bilooyin ka dib Maxamed wajigiisa waa ay ka sii muuqdeen haarihii weerarkii subaxdaas. Dabadeed, dhawr bilood dhacdadaas ka dib, nin ka mid ahaa mooryaantii hubaysnayd ee aaggaas ka talin jirtay ayaa maalin ku dooday in Maxamed ka xaday maryo (dhar).

Ninka mooryaanka ah oo qaraabo dhow la ahaa Maxamed abtigiis, kuna qayili jiray balbalo (buush) meesha ku yaallay, marmarna garaashka baabuurta lagu xareeyo seexan jiray (waardiye ahaan) garaashkaas oo Maxamed qudhiisu habeennada qaarkood seexan jiray.

Waxa uu ku dooday in Maxamed dharkiisi xaday “xalay” mar uu hurday. Mooryaankii oo aad u xanaaqsan qoriga AK47 ahina garabka u suran yahay, iyo saaxiibkiis maalintii oo dhan waxa ay daydayayeen Maxamed.

Goor casarkii ah bay heleen Maxamed oo hortaagan dukaan laamiga qarkiisa saarnaa. Mooryaankii wax kaleba Maxamed ma uusan waydiin e inta uu qoriga ammaankiisa furtay buu shan xabbo ku tiriyay, Maxamedna dhulka lama dhicin naf, halkii ayuu si deg deg ah ugu qurbaxay.

Miskiinkii Maxamed ahaa ee aabballaawaha lagu sheegi jiray halkaas buu aakhiro ugu hoyday. Waxa aan qiyaasayaa in uusan u darsan dunidii uu ku caddibnaa, sidaasna uu uga raystay naxariis la’aantii iyo cunsuriyadda kuwii dad ugu sokeeyay. Maxamed waxaa isla galabtiiba qabuuraha geeyay abtigiis, mooryaankii dilayna maalintii xigtay waxa uu si dareen la’aan ah ugu qayilayay balanbaladii.

Waxa ay ahayd dhacdo argagax iyo afkalaqaad leh, qof walba damiir dadnimo lehna habeenno badan hurdada u diidaysay. Ninkii la socday Mooryaankii Maxamed dilay oo aan garanayay, ahaana nin aan ka mid ahayn mooryaanta hubaysan baan mid waydiiyay “sababta uu qayb uga noqday dambigaas foosha xun”.

Waxa uu ku dooday in uusan marnaba filayn in mooryaanku Maxamed dili doono, haddii uu sidaas ogaan lahaana uusan raaceen. Waxa kale oo uu ku dooday in uu aad uga naxay ugana qoomameeyay falkaas.

FG: Sheekadan nuxurka aan u daabacnay waa in lagu baraarugo tacaddiga lagu hayo ilmaha meher la’aanta ku dhasha oo u muuqda in laga goynayo dembi aysan iyagu gelin, taasoo ah khalad wayn.

DHAMAAD….

W; Q: Cali M Diini

Hadalsame Media