Erdogan oo carrabka ku dhuftay dalka Carbeed ee xiga oo uu la heshiinayo

0

(Konya) 28 Nof 2022 – Ankara waxa ay heli kartaa wadiiwo ay ku hagaajiso xiriirkeeda burburay ee Suuriya mustaqbalka, sida uu sheegay Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

Warkan ayaa imanaya toddobaad uun kaddib markii Turkigu uu bilaabay inuu duqaymo cirka ah ka fuliyo goobaha Kurdiyiinta deggan woqooyiga Suuriya iyo Ciraaq.

“Sida xiriirka Turkiga iyo Masar uu u bilaabay inuu caadiyoobo, waqtiyada soo socda waxaa sidoo kale dhici karta inuu hagaago midka Suuriya,” ayuu Erdogan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada Konya oo ay soo baahisay TRT. “Cuqdadi kama jirto siyaasadda.” Ayuu raaciyey.

Saraakiisha Turkiga ayaa ku eedeeyey xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo malliishiyada Kurdiyiinta ee fadhigoodu yahay Suuriya inay ka dambeeyeen qaraxii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay Istanbul, oo ah magaalada ugu dadka badan Turkiga, 13-kii Nofeembar.

PKK, oo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub ugu jira liiska argagixisada, ayaa beeniyey inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkii Istanbul, oo ay ku dhinteen lix qof.

Si kastaba ha ahaatee, Erdogan, ayaa Arbacadii hore ka digey in Ankara ay bilaabi karto howlgal millateri oo dhulka ah oo ka dhan ah ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya.

Turkiga ayaa xiriirka la caadiyeeyey dalalka kale ee Carbeed sida Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar.

Hadalsame Media