Dal Muslim ah oo gantaalo baalistig ah kasoo iibsanaya dalka Shiinaha & Tayo muhim ah oo uu leeyahay + Sawirro

0

(Hadalsame) 28 Nof 2022 – Shiinaha ayaa isku dayaya inuu habka gantaalaha riddada gaaban ee baalistigga uu ka iibiyo dalka ku yaalla Woqooyiga Afrika ee Aljeeriya. Waa nidaamka SY-400 ee uu Shiinuhu sameeyo, sida lagu daabacay warqaadka Belgian-ka ah ee ArmyRecognition.

Ma ahan markii ugu horraysey oo Aljeeriya ay u weecanto dhanka Shiinaha. Inkasta oo Algeeriyaa ay muddo dheer macaamiil u ahayd hubka Ruushka sannadihii la soo dhaafay, Beijing waxay awood u yeelatay inay ka iibiso nidaamyadeeda.

Tusaale ahaan, sanadkan oo keliya, Aljeeriya waxay Shiinaha kasoo iibsatey shan xabbo oo ah CH-5 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqaynta iyo sahanka sameeya, iyo sidoo kale hoobiyaha 120mm ee Shiinayska ah.  Sannadkii 2020, Aljeeriya waxay Shiinaha kasoo iibsatey nidaamka Red Arrow-12 ee taangiyada dila, oo sidoo kale loo yaqaan HJ-12. Sannadkii 2018-kii, Shiinuhu wuxuu waddanka Woqooyiga Afrika ka iibiyey shan xabbo oo ah CH-3 iyo shan kale oo ah CH-4.

Sidaa darteed, suurtogalnimada ay Aljeeriya ku heli karto nidaamyada baallistigga Shiinaha waa mid aad u sarreeya. SY-400 waa wax ka beddelkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey ee gantaalha Weishi, kaasoo soo saaristiisa taxanaha ah la bilaabay 1980-meeyadii.

SIDA UU U ANFACAYO ALJEERIYA – SY-400 waxa uu qaadi karaa laba gantaal oo ah BP-12A oo jari kara 400 km ama gantaalka 12 300mm PHL-03. Nidaamka ayaa markii ugu horraysay la soo bandhigay 2018-kii, iyadoo uu Shiinuhu ku qeexay nidaam shiish saxan leh. Waxaa la dhihi karaa in SY-400 uu la hardami karo nidaamka Ruushka ee Iskander-M, balse si wayn ayuu uga rakhiisan yahay.

SY-400 aad bay u fududahay in la hayo marka aan la isticmaalaynin. Si ka duwan hababka kale ee la midka ah ee gantaalaha baallistigga, haamaha laga rido gantaalkani waxay si toos ah ugu xiran yihiin gaariga, iyadoo ay gantaaluhu ku cabbaysnaan karaan muddo dheer.

Gantaalaha BP-12A iyo PHL-03 waxay sidoo kale isticmaali karaan madaxyo kala duwan, iyadoo SY-400 uu gantaalaha u rido si joog ah, islamarkaana wuxuu hagitaan ahaan u adeegsadaa GPS/INS.

Hadalsame Media