XOG: Maalqabeenno Sucuudi iyo Qadari ah oo isku haysta kooxda Liverpool (Wada hadal furmay)

0

(London) 27 Nof 2022 – Kooxda Liverpool ayaa wadahadal la yeelatay laba dalladood oo uu fadhigoodu yahay Bariga Dhexe kuwaas oo doonaya inay kooxdan ku iibsadaan £3bilyan oo gini.

Mail on Sunday ayaa ogaatey in wakiillo ka socda dallado Sacuudiga iyo Qadar iho ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan iibsashada kooxdan qadiimiga ah.

Dhowr ilo ayaa ku warramaya in saraakiisha dalladahani ay la xiriireen agaasimaha kooxda Fenway Sports Mike Gordon – oo ah ninka mas’uulka ka ah iibinta Liverpool – si ay u diiwaangeliyaan xiisahooda.

Waxaa la fahamsan yahay in labada dalladoodba ay yihiin shirkado gaar loo leeyahay oo aanay ahayn kuwo ay dowladdu leedahay. Si kastaba ha ahaatee labada dalladood ayaa loo malaynayaa inay xiriir dhow la leeyihiin qoysaska maamula dalalkooda.

Wasiirka Isboortiga Sacuudiga, Amiir Abdulaziz bin Turki Al-Faisal, ayaa todobaadkan dhiirigeliyay dalabyada la wareegida kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

Hadalsame Media