RW hore oo MW Xasan Sheekh farta ugu fiiqay laba maamul-goboleed oo uu kal il-duufsan yahay

0

(Hadalsame) 26 Nof 2022 – RW hore ee DF Somalia, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa MW Xasan Sheekh ugu baaqay inuu wado howl lagu amaani karo balse loo baahan yahay inuu tillaabo kale ku kabo.

Sharma’arke ayaa sheegay in ‘dadaalka joogtada ah ee Madaxwaynaha ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisadu uu yahay mid ammaan mudan, balse si loosii wiiqo oo loo cirib tiro khatartan, ay u baahan tahay ajande qaran oo sidoo kale ka bilaabma maamullada SW & Jubbaland.

”Tani waxay sidoo kale u diidi doontaa inay is abaabulaan & dib isaga urursadaan haddii laga soo saaro saldhigyada ku yaalla meelo kale.” ayuu ku dooday.

Shabaabka ayaa haatan wajahaya dagaallo uga socda gobollada Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, balse weli waxaa jira maamul-goboleedyo ay joogaan, balse aysan wax dagaal ah kala kulmaynin, sida uu u dhacayo hadalka RW hore ee DF Somalia.

Hadalsame Media