Garsoore si xun loogu dhex garaacay ciyaar laba koox ku dhexmartay Garoonka Hargaysa (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Nof 2022 – Waxaa maanta Garoonka Hargeisa Studium ka dhacday fadqalallo iyo gacan ka hadal aan ciyaaraha waafaqsanayn kaddib markii si xun halkaa loogu garaacay garsoorihii.

Ciyaartan oo u dhaxaysey Degmada Macallin Haaruun iyo Degmada Max’ed Mooge ee ka tirsan magaalada Hargaysa, ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxaa la garaacay Garoore Xamse Ilbax oo ciyaarta seeriga u sidey.

Kooxda garsooraha garaacday oo ah midda Degmada Macallin Haaruun, ayaa la arkayey iyaga oo isu dhiidhiibaya garsooraha oo ay kedo ku noqotay in weerar lagu qaaday.

Lama oga sida uu xaal ku dhamaaday maadaama TV-gii kasoo warramay aanu warbixinta dhamaystirin, balse arrimahan oo kale ayay tahay in go’aan adag laga qaato si looga fursado falal anshax darro ah ciyaarahana ka baxsan oo noocan oo kale ah mustaqbalka.

Hadalsame Media