Qadar oo taageerayaasha Ingiriiska ka diiddey inay soo xirtaan dhar xambaarsan taariikh ka dhan ah Islaamka + Muuqaal & Sawirro

0

(Dooxa) 25 Nof 2022 – Qadar ayaa jamaahiirta England ka diiddey inay ku labistaan dhar u eg kii saliibiyiintii Mucatab ku Dirirka ahaa ee kusoo duuley Quddus, waxaana laga celiyey garoomada ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar, iyadoo loo sheegay in labiskoodu uu “meel ka dhac ku yahay Muslimiinta”.

Laba nin oo dharkan ku lebbisan ayaa la sheegay in lagu arkay baraha bulshada iyaga oo isku deyaya inay amniga ka gudbaan kahor ciyaartii England ay ka badisay Iran Isniintii. Waxay xirnaayeen dharkii silsiladda lahaa ee cahdiyadii dhexe iyo koofiyado ay ku xardhan tahay iskutallaabtii St George oo ah midda laga keenay calanka England.

Waxaa la sheegay in labadan ruux oo sidoo kale watey seefo metelaad ah, ay afar sarkaal ka kaxeeyeen albaabka kahor inta aysan ciyaartu bilaabmin.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa haatan qoraysa in taasoo kale laga yaabo inay caawa ku dhacdo dadka ka soo qaybgelaya kulanka Ingiriiska iyo USA, iyadoo Times ay wearinayso in taageerayaasha Saddexda libaax laga mamnuucay inay u labistaan ​​sidii Kiristanka kusoo duuley Dhulka Barakaysan.

Waxa ay tani kusoo beegmaysaa iyadoo taageerayaasha England oo in badan ku faanfaana inay xirtaan dharkan u eg midkii St George – oo ah isha ruuxi ahaan ay sare u eegaan Ingiriisku, ay markan dhibaato kala kulmayaan inay dharkiisa la tagaan garoomada, sida uu qorayo Daily Mail oo ka mid ah warbaahinta UK ee wada ololaha ka dhanka ah Qadar iyo guud ahaanba Muslimiinta.

Saliibiyiintii Mucatab ku Dirirka ahaa (Crusades) oo gacan ka helayey kaniisadda Roma ayaa weerarro dhowr ah kusoo qaaday magaalada Qudus iyo hareereheeda oo ay doonayeen inay Islaamka dib uga qabsadaan mudadii u dhaxaysey 1095 ilaa 1291.

Hadalsame Media