Dowladda Sucuudiga oo sheegtay inay doonayso inay wada iibsato Ronaldo, Man United & Liverpool

0

(Hadalsame) 25 Nof 2022 – Wasiirka Isboortiga Sacuudi Carabiya ayaa ku andacoodEy inuu jeclaan lahaa inuu arko Cristiano Ronaldo oo ka ciyaaraya horyaalka kubadda cagta dalkaasi Sucuudiga.

37-jirkan weerarka ka ciyaara ayaa sheegay, usbuucii hore, in loosoo bandhigay qandaraas labo sano ah oo ku kacaya €350 milyan oo Doollar (£305m) oo uu ka helay koox aan la magacaabin – taasoo uu diidey.

Kaddib markii uu kaga tegey Manchester United is afgarad buuxa oo lagu fasaqayo qandaraaskiisa isbuucaan, weeraryahanka ayaa mar kale diyaar u ah inuu la saxiixdo koox kale, balse markii wax laga weydiiyey saxiixa Ronaldo, Amiir Abdulaziz bin Turki Al-Faisal ayaa yiri ‘wax walba waa suurtagal’.

Isagoo la hadlayey BBC Sport, Amiir Abdulaziz ayaa yiri: “Wax walba waa suurtagal, waxaan jeclaan lahaa inaan arko Ronaldo oo ka ciyaaraya horyaalka Sacuudiga.”

Marka laga soo tago Ronaldo, Prince Abdulaziz ayaa sidoo kale ka hadlay rajada laga qabo in uu Sucuudigu la wareego kooxda Manchester United ama Liverpool. Labada naadi ayaa sahminayey fursado lagu iibsado bishii la soo dhaafay.

“Xaqiiqdii waanu taageeri doonnaa haddii qayb ka mid ah shirkada [Sucuudiga] ee gaarka loo leeyahay ay soo galaan (hardanka iibsiga kooxahan), sababtoo ah waxaan ognahay in taasi ay si wanaagsan uga tarjumayso ciyaaraha gudaha boqortooyada.”

Sanduuqa Maalgelinta Dadwaynaha ee Boqortooyada ee ay dawladdu taageerto (PIF) ayaa horay u samaysay hal maalgashi; Newcastle United.

Hadalsame Media