Booliiska Maraykanka oo doonaya in loo fasaxo adeegsiga Robot-yo dadka dili kara + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Nof 2022 – Waaxda Booliska San Francisco (SFPD) waxa ay raadinaysaa ogolaansho ay ku howlgeliso robot-yo u fasaxan inay dilaaan tuhmanayaasha bini’aadmiga ah, sida ku cad soo jeedin loo diray mas’uuliyiinta magaalada.

Waloow robot-yada SFPD asal ahaan loogu talagalay soo saaridda bambooyinka iyo sahanka, booliisku waxay sheegeen in loo isticmaali karo inay noqdaan dookha ugu dambeeya ee “wax dilidda ah.”

Dokumenti ay qoreen ayaa qeexaya sida SFPD ay u qorshaynayso in ay u isticmaasho dhammaan qalabkeeda qaab-dhismeedka millateri leh, waaxdu waxay qortay in “Robot-ka loo isticmaali doono oo kaliya inuu noqdo xoog wax dila marka ay soo dhowaato khatar nafeed oo ka dhan ah dadwaynaha ama saraakiisha booliiska taasoo ka miisaan badan awood kasta oo kale oo ay heli karto SFPD.”

Kormeerayaasha magaalada ayaa ku khilaafay soo jeedintan, iyaga oo ku dooday in “Robot-yada aan marna loo isticmaali karin xoog ahaan.”

Si kastaba ha ahaatee, markii dokumentiyadu dib ugu noqdeen SFPD si ay dib u eegis ugu sameeyaan, booliisku waxay ka saareen diidmadii u sheegaysey inaan robot-ka qaabkan loo adeegsan karin waxayna maamulka magaalada kusoo celiyeen isla nuqulkiisii ​​asalka ahaa ee qoraalka ee ay ku doonayeen in rukhsad la siiyo.

Dalabkan ayaa imanaya xilli booliiska Maraykanka, gaar ahaan kuwa gobollada aad loogu dhaliilo inay laayaan shacabka iyagoo adeegsanaya awood xad-dhaaf ah islamarkaana gaysanaya toogashooyin laga fursan karo. Qiyaas haddii robot qori ku rakiban yahay loo fasaxo?

Hadalsame Media