Xulka Japan oo sameeyey arrin kale oo si wayn loosoo dhoweeyey kaddib dhammaadkii ciyaarta + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Nof 2022 – Ciyaartoyda Japan ayaa wacdaro ka dhigay garoonka ciyaartii Koobka Adduunka kadidb markii ay ka naxsadeen Germany ciyaartoodii furitaanka heerka guruubyada.

Waxay se sidoo kale ka tageen dareen wanaagsan iyagoo ka dhigay qolkooda lebiska meel aan wax wasakha lahayn kulankii garoonka Khalifa International Stadium.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya sagxadaha oo xaaqan, qashinkii oo la kala soocay weliba si fiican iyo xitaa dariishadaha oo ay u fureen si uu hawo u qaato qolka labisku kulankii ay Japan ay 2-1 ku dhufteen Jarmanka.

Taabasho wacan oo yaab leh, ciyaartoyda Japan iyo howlwadeenkoodu waxay sidoo kale ka tageen istiraashooyin u qaabaysan boollaboollad abiyaha ee Origami iyo qoraal mahadnaq ah oo Japanese iyo Carabi ku dhigan.

Waxaa kasii horreeysey taageerayaasha Japan oo sidoo kale nadiifiyey halkii ay fadhiyeen markii ay ciyaartu dhamaatay.

Japan players leave dressing room spotless after World Cup win over Germany | Daily Mail Online

Hadalsame Media