Turkiga oo mar qura diyaariyey miig daroon ah, markab berri-biyood ah oo diyaaradahana qaad & gantaal ay dalal badani ku colaadiyeen + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Nof 2022 – Shirkadda samaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Baykar ayaa ku dhawaaqday in diyaarada guuxeeda ka dheereeysa ee aan cidina wadin ay si guul leh usoo gebagebeeyeen tijaabooyinka dhulka, iyadoo mashruucan taariikhiga ihi uu ku dhow yahay duullimaadkii ugu horreeyey oo maalmaha soo socda dhacaya.

Magacu waa Kızılelma, Nidaamka Gaadiidka Hawada ee aan duuliyaha lahayn ee Qaranka (MIUS) ayaa dhammaystiray orodkiisii ugu horreeyey ee dhabbaha diyaaradda (runway) iyo tijaabada taxing-ka iyadoo iskeed u socota saldhig cireed ku yaalla waqooyi-galbeed gobolka Tekirdağ, sida laga arkayo muuqaal uu wadaagey soo saaraha diyaaraddan ee Baykar.

Tijaabadan waxaa kormeerayey Madaxa Tignoolajiyada ee Baykar (CTO) Selçuk Bayraktar.

Diyaaraddan dagaalka ee Kızılelma oo ah nooca dheereeya ee aan duuliyaha lahayn ayaa aad u balaarin doonta awoodda daroonnada haatan jira ee gaabiska ah marka la eego sahanka iyo dagaalka intaba maadaama sahal lagu arki karo.

Waxa ay sidoo kale awood u yeelan doontaa inay ka soo kacdo oo ay ku degto maraakiibta xambaarayaasha ah ee leh dhabayaasha gaagaaban, kuwaasoo uu ku jiro calan-sidaha Türkiga ee la doonayo in uu noqdo berri-biyood waana markabka TCG Anadolu, kaas oo la filayo in uu soo adeeg galo bisha soo socota.

Dhanka kale, Nidaamka difaaca gantaalaha S-400 ee laga helay Ruushka ayaa diyaar u ah inuu Turkigu isticmaalo, waxaana la adeegsan doonaa haddii Turkiga halis la geliyo, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar.

Mar uu la hadlayey Guddiga Qorshaynta iyo Miisaaniyadda ee Baarlamanka isagoo ku sugan caasimadda Ankara, Akar wuxuu yiri; “S-400 waa la diyaraiyey oo waxaa loo darbay in la isticmaalo.”

Gantaalahan ayaa iska horkeenay Ankara iyo Galbeedka, iyadoo uu Maraykanku xitaa ka saaray barnaamijkii lagus samaynayey diyaaradaha F-35, balse Turkiga ayaa arrintaa ku tilmaamay cadaalad darro maadaama ay markii horeba gantaalahan u doonteen kaddib markii looga dhaartay kuwa uu Maraykanku sanceeyo ee Patriot-ka.

Hadalsame Media