Nidaamka Ruushka oo ka qayliyey qorshe cusub oo ay CIA-du la maaggan tahay

0
The logo of the Central Intelligence Agency at CIA Headquarters in Langley, Virginia, April 13, 2016.

(Hadalsame) 24 Nof 2022 – Qorshe ay CIA-du ku doonayso inay ku qorato wakiillo Ruush ah ayay Moscow sheegtay inay caddayn dheeraad ah u tahay in Maraykanku uu doonayo in uu wiiqo waddankaasi, sida ay sheegtay Safaaradda Ruushka ee Washington, iyada oo intaa ku dartay in isku-daygaasi aanu guulaysanayn.

Safaaradda ayaa ka faalloonaysey warbixin uu dhowaan qoray Wall Street Journal, kaas oo daaha ka qaaday in Agaasime Xigeenka howlgallada CIA, David Marlowe, uu muujiyey inuu danaynayo shaqaalaysiinta wakiillo Ruush ah oo “nacay” colaadda Ukraine, isagoo ku dhawaaqay in hay’addu “howshaa u furan tahay. .”

“Wax nooga gadaamani ma jiraan howlaha CIA-da ee ka dhanka ah Ruushka,” ayay Safaaraddu ku qortay Telegram, iyagoo intaa ku daray in la wada ogyahay in sirdoonka Maraykanku ay isku dayayaan “in ay khalkhal geliyaan xaaladda Ruushka.”

Sida laga soo xigtey Safaaradda, hadallada Marlowe waxay “kaliya xaqiijinayaan hab-socodka cadawtinnimada Washington ee looga gol leeyahay in lagu wiiqo amaanka gudaha waddankeena iyada oo loo marayo habab wiiqitaan oo casri ah.”

Hadalsame Media