Maraykanka oo kordhinaya tirada Ciidamada Danab (Kaalmo millateri oo ay helayso DF Somalia)

0

(Muqdisho) 23 Nof 2022 – BBC News ayaa maqaal dheer ka qortay Ciidamada Komaandooska uu Maraykanku diyaariyey ee Danab, iyagoo soo qaatay doorka laxaadka leh ee ay ku leeyihiin dagaalka ay DF iyo dadka degaanku ku hayaan  Shabaabka.

Waxay sheegeen in sababta kicisay dagaalka Macawisley ay u sabab tahay abaaraha iyo colaadaha is biirsaday iyo Shabaabka oo shacabka ula dhaqmay si arxandarro ah oo ay iyagii oo silicsan ugu dareen inay baadaan marna ay tacaddiyo kale kula kacaan.

Waxay sheegeen in Guutada Danab la filayo in laga kordhiyo ku dhowaad ​​1,500 oo askari oo ay hadda yihiin lana gaarsiiyo ugu yaraan laba-laabka tiradaas oo ah seddax kun oo askari, iyadoo uu Maraykanku uu bixinayo dhaqaale badan, iyo taageero ciidan oo dheeraad ah.

“Maraykanku waxay nagu caawiyeen diyaarado aan duuliye lahayn [dagaalkii Bukure], in ka badan lix dagaal ayaan la galay Al-Shabaab, hadda markay arkaan inaan dagaal rabno way cararaan.” ayuu BBC News ku yiri mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada Danab oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Ciidamada Danab ayaa raaca silsilad talis oo leh nidaamkii iyo dishibliinkii ciidanka, taasoo muujinaysa inaysan mustaxiil ahayn in la dhiso ciidan xirfadlayaan ah oo Soomaaliyeed, dhibka ugu waynise waa rabitaan siyaasadeed, hoggaan iyo raasumaal howlahan lagu socodsiiyo oo aan laga sugaynin dhanka DF Somalia, mana dhacayso in uu dal kale si buuxda kuugu dhiso ciidan maxalli ah.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media