Golaha Amaanka oo Turkiga ka dhaafay xayiraadda hubka ee saaran Somalia (Magacyada dalal kale oo iyana laga dhaafay)

0

(Muqdisho) 23 Nof 2022 – Dalka Turkiga ayaa ka mid ah dalalka laga dhaafay cunaqabataynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, sababo la xiriira tababarrada ciidamada iyo kuwa farsamada ee ay siiyaan dalka Somalia, sida lagu sheegay qaraarka QM.

Golaha Ammaanku wuxuu kordhiyey cunaqabataynta Somalia ilaa Nof 15, 2023, isagoo sabab uga dhigaya khatarta joogtada ah ee kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ay ku tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka sida ay sheegeen.

Xayiraaddan ayaa soo jirtey tan iyo 1992-kii si loo hakiyo qulqulka hubka ee dalka Somalia kaddib markii uu galay dagaal sokeeye, waloow uusan hubku marna joogsan.

Qaraarkan ayaa mamnuucaya in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ay hub iyo saanad millateri geeyaan Soomaaliya iyo sidoo kale in la maalgeliyo balse waxaan ku jirin tababarrada ciidamada, taageerada farsamada iyo kaalmada kale ee lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, tayaynta hay’adaha dowladda iyo kahortagga burcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Soomaaliya.

Waxaa xayiraaddan horay loogu dabaqay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Afrika (ATMIS), iyo sidoo kale Turkiga, UK, US iyo EU oo lagu daray liiska dalalka laga dhaafay xayiraadda.

Ciidamada Turkiga ayaa Soomaaliya soo gaarey sanadkii 2017-kii kaddib markii ay heshiis ku saabsan tababarida ciidamada iyo iskaashiga dhanka farsamada ay la gaareen qaranka Soomaaliya sanadkii 2010-kii.

Hadalsame Media