FIFA oo sharraxday sababta keentay in ciyaaraha lagu daro saacado ka badan kuwii caadiga ahaa (Daawo)

0

(Washington) 23 Nof 2022 – Ku dhowaad 30-kii daqiiqo oo lagu daray waqtiga ciyaartii England-Iran ayaa ay dad badani la yaabeen, laakiin garsoorihii hore ee Talyaaniga Pierluigi Collina ayaa sharraxay sababta uu waqtiga dheeriga ihi u dheeraan doono kulamada Koobka Adduunka 2022.

Xulka England ayaa 6-2 kaga badiyey xulka Iran ciyaartoodii furitaanka Koobka Adduunka, balse ciyaarta ayaa socotay ku dhowaad labo saacadood iyadoo 14 daqiiqo lagu daray dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta, halka 10 kale lagu daray qaybtii labaad.

Qaybtii hore waaba la garan karey oo goolhayaha Iran ee Alireza Beiranvand ayaa si xun u dhaawacmay, kaddib markii ay madaxa isku dhufsadeen isaga iyo saaxiibkiis Majid Hosseini

Waqtiga dheeriga ah ayay dad badani la yaabeen, laakiin garsoorihii hore ee Collina ayaa ka digey in taageerayaashu ay ka fishaan tan oo kale inta la joogo Qadar.

Wuxuu sababta ku sheegay in la xisaabayo waqtiyada ku lumay dhaawacyada, VAR, iyo xitaa dabaaldegyada gaar ahaan haddii goolal badan la iska dhaliyo.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media