Ruushka oo “kashifay” dal gaaskiisa xadayey (Gaaskii Yurub aadi lahaa oo lagu gooddiyey in la jarayo))

0

(Hadalsame) 22 Nof 2022 – Shirkadda Tamarta ee Ruushka laga leeyahay ee Gazprom, ayaa sheegtay in Ukraine ay weecinayso sahayda gaaska dabiiciga ah ee u sii gudbi lahaa dalka Moldova, shirkadduna waxay ku hanjabtey inay yarayn doonto gaaskii dhuumaha muhimka ah si ay arrintan uga jawaabto.

Gazprom waxay waxa khaldan ku ogaatey saldhigga cabbirka gaaska ‘Sudzha’ (GMS) ee uu maro gaaska usii gudba Moldova ee loosii mariyo Ukraine, sida lagu yiri bayaanka Gazprom.

Moldova waxay bixisay qaar ka mid ah sahayda gaaska bishii Nofeembar Isniintii, sida laga soo xigtey Gazprom, oo sheegtay in Kiev ay dalkeeda ku xayirtay 52.52 milyan mitir oo seddax jibbaaran oo gaas ah oo loogu talagalay inuu u gudbo Moldova.

Shirkadda Tamarta ee Ruushka ayaa sidoo kale ka digtey in haddii isu dheellitir la’aanta gaasku ay sii socoto markaas ay bilaabi doonto dhimista gaaska saldhigga Sudzha GMS ee dhex mara Ukraine laga bilaabo 10 subaxnimo (7am GMT) ee Nofeembar 28.

Khadka Sudzha ee sii mara Ukraine ayaa weli ah dariiqa kaliya ee uu maro gaaska Ruushku uu siiyo waddamada galbeedka iyo bartamaha Yurub kaddib markii dhuumihii Nord Stream ay waxyeello kasoo gaartey qarax kharribaad ahaa 26kii bishii Sebtembar.

Hadalsame Media