”Inta xerada soo galay ayuu xabbad u furay dhinac kasta” – Weerar lagu qaaday xero ciidan oo Kenya leedahay

0

(Kismaayo) 22 Nof 2022 – Nin hubaysan ayaa keligiis waxa uu gudaha u galay xero ciidan oo ku taal Soomaaliya wuxuuna dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya Isniintii shalay, waana weerarkii ugu dambeeyey ee ay qaadaan dagaalyahannada kooxdan oo kasoo horjeedda joogitaanka shisheeyaha ee Somalia, sida ay sheegeen millateriga Kenya.

Askariga dilka gaystey ayaa si bareer ah oo aan kala sooc lahayn wax ugu tooganayey qorigii uu watey, isagoo sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale kahor inta aan la toogan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii ayaa ka dhacay Saldhigga howlgalka hore ee Sarira oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya una dhow xuduudka Kenya.

Al-shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in ay weerarka iyagu fuliyeen.

“Waxaan aaminsan nahay inuu dool ahaa uu sahan u yahay weerarro badan oo noocan oo kale ah. Waa inaan taxadar badan muujinaa oo feejignaannaa.” ayuu soo jeediyey sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Hadalsame Media