Dabagal lagu sameeyey guryo Soomaalida Minnesota loo sheego in si bilaa RIBO ah looga iibinayo (Laakiin waa dabin qoolan)

0

(Minneapolis) 22 Nof 2022 – Qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minnesota, caqabadaha ka hortaagan lahaanshaha guri ayaa muddo dheer u muuqdey kuwo aan laga gudbi karin: amaah-bixiyeyaal caga jiid ah, dakhligooda oo yar, taariikhda shaqo oo kooban, IWM.

Xubnaha bulshada Muslimka ah ee degta Bariga Afrika waxay la kulmaan caqabad dheeraad ah, oo u gaar ah: Waana caqiidadooda oo khasab kaga dhigaysa inay iska ilaaliyaan bixinta ama ka faa’iidaysiga dulsaarka ama ribada.

Tani waxay la micne tahay in aanay caadiyan abid codsan kari doonin dayn guriga caadiga ah oo ka dhigan dariiqa caadiga ah ee iibsashada guri uu qofku leeyahay, taasoo mustaxiil ka dhigtay inay dhinacan lacago ka sameeyaan.

Ha yeeshee, ku dhowaad ​​​​saddex sano kahor, shirkado badan oo amaahda bixiya ayaa bilaabay inay sheegaan inay keeneen qaab “dulsaar la’aan” oo ay dadku guri ku iibsadaan.

Kalmadan ayaa si xowli ah ugu dhex faaftay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 80,000 oo qof. Qoysasku waxa ay bilaabeen in ay ka guuraan guryahoodii ciriiriga ahaa iyo guryihii ay dowladdu kabi jirtey si ay u degaan guryaha xaafadaha ku yaal ee leh cawska ballaaran iyo qolal hurdo oo ku filan qoysaskooda waawayn ee dhowrka jiil ah.

Xalkani wuxuu ku dhisan yahay dukomenti gaaban oo ay dusha sare kaga qoran yihiin saddex eray oo dhiirrigelini ka muuqato: “Contract For Deed.” Qofku wuxuu lacagta u shubayaa isagoo qayb qayb u bixinaya qof kaligii ah. Dayn guri iyo bangi isagoo aan marin.

Yeelkeede, waxaa agaasinkan ka maqan ilaalin muhim u ah iibsadaha. Ilaa inta lacagta kama dambaysta ah uu ka bixinayo, iibiyaha ayaa sii haysanaya waraaqaha lahaanshaha guriga, heshiiskana waxa burin kara iibiyaha haddii iibsaduhu ka dib dhaco lacagihii laga doonayey bishiiba.

Haddii ay taasi dhacdo, iibsaduhu wuxuu luminayaa dhammaanba lacagtii uu gashaday guriga ee uu horay u bixyey gurigiina waa laga saarayaa, weliba wax yar 60 maalmood.

Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media