Giriigga oo daba-maryo cajiib ah ku sameeyey Dowladaha Libya & Turkiga (Danaha is diiddan & Dalha howsha sahley)

0

(Hadalsame) 19 Nof 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Giriigga, Nikos Dendias, oo diidey inuu ka dego diyaaradii siddey kaga dego caasimadda Liibiya, ayaa aadey Benghazi, wuxuuna la kulmay hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar oo ah hoggaamiyaha ciidamo hubaysan oo haysta bariga dalkaasi.

“Kulanku wuxuu khuseeyaa xaqiijinta xasilloonida Liibiya,” ayaa lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Giriigga.

Dendias ayaa lagu wadey inuu booqdo Liibiya si uu ula kulmo Mohamed Menfi, Gudoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya iyo Afhayeenka Baarlamanka Aguila Saleh. Balse ka bixitaankiisa lama filaanka ahaa misna deg degga ahaa ee uu kaga duulay garoonka diyaaradaha ee Tripoli ayaa baajiyey shirarkaas.

Warbaahinta Giriigga ayaa sheegtay in diyaaradda Dendias ay ka duushay Tripoli iyadoo u jihaysatey Benghazi waloow ay sii martay gasiiradda Malta sababtoo ah Liibiya ma aysan ansixin qorshaha duullimaadka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Dibedda Liibiya, Mohammad Hammouda, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu ee Turkiga inay u yeereen sii hayaha Safaaradda Giriigga ee Tripoli.

Athens ayaa dhaleecaysay heshiiskii xuduud-badeedka ee 2019-kii ay xukuumadda Tripoli la saxiixatay Turkiga kaas oo markii dambe laga diiwaan geliyey Qaramada Midoobey.

Si kastaba ha ahaatee, Giriigga ayaa heshiis xuduud-badeed isna la leh Haftar oo uu fadhigiisu yahay Benghazi.

Hadalsame Media