FIFA oo god kasta gacanta gelinaysa (Xul qarinayey calaamadda “OneLove” oo digniin loo diray

0

(Dooxa) 21 Nof 2022 – FIFA ayaa ka dalbatay xulka Belgium inay erayga “hal jacayl” ka saaraan funaanadda 2-aad ee ay ku xirtaan, sida ay ilo wareedyo u sheegeen hilinka ESPN.

Go’aankan ayaa imaanaya labo maalmood kahor inta aysan kooxda Roberto Martinez la ciyaarin dhiggooda Canada habeenka Arbacada kulankooda furitaanka Koobka Adduunka.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay ESPN in FIFA aysan xitaa u furnayn wax wada xaajood ah waxayna si cad u diiddey inay arrintan kala hadasho xiriirka Belgium-ka.

Halkaa marka ay marayso weli Belgium ma aysan go’aansan in ay aqbali doonaan codsiga xiriirka caalamiga ah iyo in kale.

Xulka Belgium ayaa calaamaddan ku qariyey qaybta hoose ee kalarka funaanadda cad ee 2-aad.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii ay xulalka reer Yurub ee England, Wales, Belgium, Denmark, Germany iyo Netherlands ay ka tanaasuleen go’aankii ahaa inay xiran doonaan calaamada takoorka ee OneLove kulamadooda furitaanka ciyaaraha Koobka Adduunka kaddib markii loo xaqiijiyey in kabtanbadoodu ay si otomaatig ah u qaadan doonaan kaararka jaallaha ah haddii ay ka qaybqaataan hindisahan.

Hadalsame Media