Dowladda Qadar oo Koobka Adduunka ka wadda olole ay ku faafinayso Diinta Islaamka (Tillaabooyinka ay qaadeen)

0

(Hadalsame) 21 Nof 2022 – Dalka Qadar ayaa samaynaya inta lagu jiro Koobka Adduunna 2022 olole qorshaysan, si ay u faafto farriinta diinta Islaamku.

1. Axaadiistii Nabiga ﷺ iyo aayado ayaa gees kasta lagu xardhay taasoo kor u qaadaysa quruxda Islaamka.

2. Qolalka hoteelladu waxay leeyihiin barcode oo soo bandhigaya barashada diinta Islaamka, axaadiista, iyo qeexida fudud ee caqiidada qofka Muslimka ah.

3. Waxay dowladdu bedeleen mu’adiniintii hore qaarkood ee masaajidda iyagoo keenay kuwa cod qurxoon. Makarafoonnada aadaanka ayaa waxa la dhex dhigay garoommada Aadaanka.

4. Xarunta Martida ee Qatar (Qatar Guest Center) ayaa diyaarisay koox ka kooban 2,000 oo qof si ay dadka ugu yeeraan diinta Islaamka, waxaana loo qoondeeyey 10 baabuur oo guurguuraya iyo 10 teendho oo gaar ah.

5. Bandhig Islaami ah oo ay soo agaasintey Wasaaradda Awqaafta ayaa la qabanayaa iyadoo wax loogu gudbinayo luuqado kala duwan dadka soo booqda.

Waxaa goobo lagu tukado iyo meelo lagu weeso qaato laga helayaa garoomada ciyaaraha adduunka markii ugu horraysey taariikhda Koobka Aduunka.

Waxaa xitaa la keenay waacidka wayn ee Dr Zakir Naik oo u dhashay dalka Hindiya.

Hadalsame Media