Taliye ka tirsanaa nidaamkii Siyaad Barre oo Maraykanka loogu xirey tacaddiyo uu ka gaystey woqooyiga Somalia

0

(Hadalsame) 19 Nof 2022 – Sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jirey ciidamada Soomaaliya oo lagu eedeeyey xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystey dad rayid ah oo Soomaaliyeed sanadihii 1980-meeyadii ayaa lagu xirey Springfield, Virginia, sida ku cad baaritaannada Hay’adda Amniga Gudaha oo lagu dhawaaqay Jimcihii shalay.

Wakiillo gaar ah ayaa soo qabtay Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Tuke,” Khamiistii kasii horraysey, isagoo ku sugan gudaha Springfield iyadoo loo haysto xadgudubyadaas xuquuqul insaanka la xiriira.

Waxaa lagu eedeeyey dil ka baxsan sharciga; jirdil; naxariis darro ah, falal bini’aadminnimada ka baxsan, ama sharaf rid ah; iyo xarig aan sabab lahayn, ayuu yiri qof u hadlay Amniga Gudaha.

Amniga Gudaha ayaa sheegtay in Cali oo iminka 69 jir ah uu ahaa Gaashaanle Sare ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Guutada Shanaad ee Woqooyi Galbeed, Soomaaliya intii u dhaxaysey qiyaastii Maajo 1987-kii ilaa Luulyo 1988-kii isagoo hoos tegayey kali-taliyihii Siyaad Barre.

Muddadaas, Ciidamada Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inay gaysteen xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha gaar ahaan dadka rayidka ah, sida ay sheegtay Amniga Gudaha Maraykanku.

Tuke ayaa la sheegay in dadka uu dhibaateeyey ay ku jiraan gad xoolo raacato ah sida la sheegay 2019-kii, iyadoo ay Boolisku dhibanayaasha ku sheegeen Elise Wars oo 40 jir ah iyo gabadheeda oo laguna magacaabo Kori Ashton.

Hadalsame Media