Ruushka oo gantaal nukliyeerka xambaara ku ridey dalka Ukraine & Ishaarada + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Nof 2022 – Ruushka ayaa dhowr gantaal ku riday Ukraine toddobaadkan, wax qayb ka ah duqaymo ballaaran oo uu ku burburinayo kaabayaasha muhiimka ah. Ugu yaraan mid ka mid ah gantaalladaasi ayaa ahaa gantaalka xambaara Nukliyeerka ee Kh-55 oo lagu dhuftay magaalada Kyiv 17-kii Nofeembar, sida ay hadda sheegayaan warbixinnada Ukraine.

Xarunta Isgaarsiinta Istaraatiijiga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine (StratCom) ayaa ku sheegtay Telegram shalay Nofeembar 18, in “Orcs-ku (Ruushku) ay ugu yaraan hal gantaal oo Kh-55 oo ka tirsan ‘hubka nukliyeerka ag’, ‘oo madaxii nukliyeerka laga furay laguna xirey wax u eg lagu ridey Ukraine. ”

Qoraalka Telegram ee kasoo baxay Stratcom ayaa lagu saleeyey sheegashooyin lagu daabacay warbaahin fadhigeedu yahay Ukraine oo arrimaha ciidanka ee lagu magacaabo Difaaca Express.

Kaddib burburkii Midowgii Soofiyeeti, ayuu Ruushku la wareegey gantaalahan. Sidoo kale Ukraine ayaa lafteedu dhaxashay 1612 gantaal oo Kh-55 ah.

Yeelkeede, dabayaaqadii 1990-meeyadii, qaar badan oo ka mid ah gantaalahaas ayaa loo wareejiyey Ruushka. Haddana, Ciidanka Hawada Sare (space) ee Ruushka (VKS) ayaa ah ciidanka qura ee adeegsada Kh-55.

Lama oga sababta, balse waxay u egtahay inuu Ruushku uu nukliyeer ugu falax-gooddinayo Ukraine.

Hadalsame Media

Facebook Comments