Talyaaniga oo Turkiga kala shaqaynaya sidii uu ku heli lahaa gantaalaha riddada dheer ee SAMP/T + Sawirro

0

(Roma) 17 Nof 2022 – Caqabadda ku xeeran suurtagalnimada helitaanka Türkiga ee nidaamka difaaca hawada ee SAMP/T ayay ujeeddadu tahay in la xalliyo mustaqbalka dhow, sida uu sheegay Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan Khamiistan.

Isagoo weriyeyaasha Turkiga kula hadlayey Jaziirada Bali ee dalka Indonesia, halkaasi oo uu kusoo gabagabeeyey ka qaybgalka shirka G-20, ayuu sheegay in kulankii uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Talyaaniga ee Giorgia Meloni ay ku muujisay sida ay u doonayso in la xaliyo dhibaatooyinkan.

“Waxaa jira dhibaatooyin farsamo oo haray, ee aan xalino arrintan ku saabsan gantaalaha SAMP/T ee Faransiiska, Talyaaniga, iyo Turkiga dhex taalla, muddo gaaban gudaheed,” ayuu Erdogaan kasoo xigtey Meloni oo sidaa leh.

Mashruuca nidaamka difaaca gantaalaha SAMP/T waxaa intiisa badan iska leh shirkad ay ku midaysan yihiin Faransiiska iyo Talyaaniga oo la yiraahdo Eurosam.

Bishii Jannaayo 2018-kii, mar Erdogan uu booqasho ku tegey Faransiiska, waxay shirkadaha Turkiga ah ee Aselsan iyo Roketsan ay heshiis la galeen Eurosam si gantaalahan riddada dheer loogu sameeyo muddo 18 bilood ah, si sidoo kale loo hormariyo wax soo saarka Turkiga ee dhinacan.

Si kastaba ha ahaatee, howsha ayuu hakad ku yimid, sababo la xiriira mowqifka siyaasadeed ee Faransiiska oo ay Turkiga is qoomeen, sida lagu sheegay bayaan hore oo ay soo saareen saraakiisha difaaca Turkigu.

Barnaamijkan Eurosam ayaa wuxuu ka kooban yahay shirkadda samaysa gantaalaha Yurub ee MBDA, oo lafteeda ay isla leeyihiin Airbus iyo shirkadda Talyaaniga ah ee Leonardo,  Nidaamka BAE ee Britain, iyo shirkadda agabka difaaca Faransiiska ee Thales, taasoo ay saamiga ugu wayn ku leeyihiin Dowladda Faransiiska iyo shirkadda diyaaradaha dagaalka farsamaysa ee Faransiiska ee Dassault Aviation.

Hadalsame Media