”Waa mid dhaawacaya xuquuq muhim ah” – Sweden oo meel marisay sharci cusub oo aad looga qayladhaamiyey

0

(Stockholm) 16 Nof 2022 – Baarlamaanka Sweden ayaa meel mariyey wax ka bedel dastuuri ah oo u ogolaanaya in xayiraad lagusoo rogo xoriyadda isu imaanshaha. Tillaabadan lagu baacsanayo argagixisada ayaa laga shakisan yahay inay Turkigu shuruud uga dhigeen Sweden si uu u aqbalo ku biiristeeda NATO.

Isbeddelkan sharci ayaa waxaa Arbacadii taageeray 278 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Riksdag oo ay fadhiyaan 349 Xildhibaan oo ku jira baarlamanka dhexe ee heer qaran.

Sharcigan cusub ayaa khatar ku ah dimoqraadiyada Sweden maadaama uu dabagalka saxaafadda ka dhigayo mid aad u adag, sida ay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah iyo shaqaalaha warbaahintu ay soo jeediyeen.

Sharcigan cusub ayaa ayuu baarlamanku u taageeray baarlamaanka si loo waafaqo dalabaad ka yimid Turkiga oo Sweden ku xujeeyey inay joojiso taageerada ay siiso ururrada Kurdiyiinta oo ugu calaamaysan “argagixiso” taasoo shuruud looga dhigayo inay kusoo biiraan NATO.

Sharcigan cusub waxa uu dembi ka dhigayaa “muujinta xogta sirta ah ee taabanaysa iskaashiga caalamiga ah,” “Basaasidda shisheeye” iyadoo midka dambe lagu mutaysan karo xabsi ilaa siddeed sano ah.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden ee Ulf Kristersson oo dhankiisa ka hadlay sharcigan, ayaa ku dooday in Stockholm ay u fududayn doonto inay la shaqayso saaxiibadeeda caalamka. Waxa uu sidoo kale ku adkaystay in tillaabadani aysan ahayn mid lagu xakamaynayo shaqada suxufiyiinta, balse ay ku saabsan tahay in la ilaaliyo in la dhaawaco danahan.

Hadalsame Media