”Dad ay wax ka maqan yihiin ma aha” – Ronaldo oo 3 laacib oo qura kasoo qaatay Man United (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Nof 2022 – Cristiano Ronaldo wuxuu dhaleeceeyey hab-dhaqanka iyo xirfad-yaqaannimada xiddigaha da’da yar ee Manchester United.

Waraysigiisii Talk TV ee qarxiska badan xambaarsanaa, kaas oo lagu soo qaaday mowduucyo dhowr ah – oo ay ku jiraan  fikirradiisa ku saabsan tababarihii hore ee Ole Gunnar Solskjaer, dhimashadii wiilkiisa yar ee Angel iyo sida uu ugu dhawaaday in uu ku biiro Manchester City 2021, weeraryahanka Portugal ayaa waxaa uu sidoo kale dhaliilay ciyaartoy da’yar oo uu sheegay inaysan taladiisa dhegaysan.

CR7 waxa uu kaliya sheegay in laacibiinta Diogo Dalot, Lisandro Martinez iyo Casemiro ay yihiin kuwa qura ee muujiya xirfadlennimo iyo inay howshooda u daacad yihiin.

Ronaldo wuxuu sababta ku sheegay in caqliyadda da’yarta xilligani ay tahay mid ka duwan xilligiisii. ”Baahidii ma jirto. Waxaan u malaynayaa inay si fudud wax kasta ku haystaan, wax waliba waa u sahlan yihiin, oo uma dhibtoonayaan, marka waxba dan kama laha.” ayuu yiri.

Hadalsame Media