Ukraine oo si rasmi ah u qiratay inay iyadu ka dambayso gantaalkii ku dhacay dalka Poland

0

(Kiev) 15 Nof 2022 – Saraakiisha Ciidamada Ukraine ayaa u sheegay dhiggooda Maraykanka iyo kuwa kale ee reer Galbeedka inay isku dayayeen in ay ka hortagaan gantaal uu Ruushku soo ridey meel u dhow goobtii uu ka dhacay qaraxii lagu hoobtay ee Poland Talaadadii, sida ay CNN werisey.

Kiev ayaa markii hore qaraxa ku eedaysay Ruushka, waloow ay madaxda reer Galbeedku ay markaas kaddib sheegeen inay u badan tahay in uu shilkani ka dhashay gantaal difaaca hawada Ukraine oo khaldamay.

Isagoo soo xiganaya sarkaal Maraykan ah, ayuu weriyaha CNN-ka ee Jim Sciutto uu Arbacadii sheegay in millateriga Ukraine ay ku wargeliyeen taageerayaashooda reer Galbeedka inay “isku dayayeen inay qabtaan gantaal Ruush ah isla waqtigii uu “gantaalku” ku dhacay tuulada Przewowdow ee dalka Poland oo xadka u dhow.

Qirashadan muuqata ee millateriga Ukraine ayaa calaamad u ah isbeddelka mowqifka Kiev oo tan iyo Talaadadii wax kale sheegaysey, markii uu Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky uu ku tilmaamay dhacdadaa “Weerar Ruushku ku qaaday” NATO.

Bayaan muuqaal ah, ayuu Zelensky wuxuu ku booriyay reer Galbeedka inay Ruushka fariisiyaan “meesha ay istaahilaan” iyagoo u jawaabaya.

Hadalsame Media