SAWIRRO: Ma hoos ayay iskala shaqeeyaan reer Galbeedka, Iran & Israel?! (Bal yaabkan arag)

0

(Hadalsame) 15 Nof 2022 – Inta badan qaybaha laga helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ee lagusoo ridey Ukraine ayaa lagu soo farsameeyaa Maraykanka, Yurub iyo xulafada kale ee reer Galbeedka, sida laga soo xigtey dokumentiyada cusub ee sirdoonka Ukraine oo su’aal gelinaya guusha dadaallada Maraykanka ee lagu xakamaynayo faafitaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Kashifaaddan ayaa tooshka ku iftiiminaysa guusha Iran ay ka gaadhey dhismaha hub aad u jaban, kaasoo kabkiisa ganacsi ahaan looga heli karo reer Galbeedka, iyadoo weliba ka baxsanaysa cunaqabataynta Maraykanka.

Saddex-meelood meel qaybaha ay ka kooban yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran oo ay soo iibsadeen Ruushku laguna soo ridey Ukraine ayaa lagu sameeyay Maraykanka, sida laga soo xigtey dokumentiyo uu wargayska Wall Street Journal ka helay Komishanka Madaxa-banaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa (NAKO), taasoo ah hay’ad uu fadhigeedu yahay Kyiv oo xaqiijisay cilmi baaris ay sameeyeen sirdoonka millateriga Ukraine.

Hal kiis, cilmi-baarayaashu waxay awoodeen inay daraasad ku sameeyaan diyaaradda aan duuliye lahayn ee Iran ee Mohajer-6 ah oo ay soo dejisay Kyiv kaddib markii la jabsaday hannaankeeda iyadoo duullimaad ku jirta.

Qiyaastii kala bar qaybaha diyaaradda ayaa waxa sameeyey shirkado fadhigoodu yahay Maraykanka, halka sadex meelood meel ay ka yimaadeen shirkado ku yaalla Japan, sida lagu sheegay warbixinta.

“Iran waxa ay diyaar u tahay in ay la kulanto Ukraine heer khubaro farsamo ahaan oo ay baarto sheegashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama sheegashada inaan qaybo ku leennahay.” ayay sheegeen Ergada Iran ee Qaramada Midoobey ee New York mar ay la hadleen Middle East Eye, laakiin waxay diideen inay si toos ah uga hadlaan warbixintan.

SHIRKADAHA KU LUGTA LEH – Aaladda daroonka Mohajer-6 ka caawisa hab-dhaqaaqa hagitaanka dhulka waxaa samaysay shiradda Japan ee Tonegawa-Seiko Co.

Qaybaha elektaroonigga waxaa samaysay shirkadda Jarmanka ah ee Infineon Technologies AG iyo tan gobolka Arizona deggan ee Microchip Technology Inc.

Tan ugu darani waa in bikaacyada fogaan aragga ah ee casriga ah ee Mohajer-6 uu wax ku basaaso waxaa lagu tuhmayaa shirkadda Israeli-ga ee Ophir Optronics Solutions Ltd.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media