Dal soo iloobey dharkii uu ku ciyaari lahaa KA2022

0

(Hadalsame) 15 Nof 2022Dalka Ghana ayaa waxa ay halis ugu jiraan in la ciyaarsiiyo kulanka ugu horreeya ee Koobka Adduunka iyada oo aan xirnayn funaanadohooda rasmiga ah.

Sida Canal 2 International ay soo tebiyeen, xulkan Afrikaanka ah ayaa waxay Qadar u dhoofeen iyagoo aan sidan dharkii ay ku ciyaari lahaayeen.

Xulka Xidigta Madow ayaa dharkoodii kusoo iloobey dalkooda gaar ahaan funaanadaha rasmiga ah ee ay Puma samayso.

Dhibaato yar maaha arrintani, waxayna Xiriirka Kubadda Cagta dalkaasi khatar ugu jiraan in alaabtu aysan imaan doonin waqtiga ku habboon, sabab la xiriirta gaabiska adeegga boostada Ghana.

Kooxda Otto Addo ayaa kulankooda ugu horreeya ciyaari doona Khamiis 24 Nofeembar markaasoo ay wajahayaan Portugal.

Hadalsame Media