Carabtii, Kurdigii iyo Turkigii oo ku wada dheggan Soomaalida & Weriyeyaal Turki ah oo difaacey (Arag sida sheekadii loo qalloociyey)

0

(Istanbul) 15 Nof 2022 – Waxaa shalay mar qura soo ban-baxday haweeney Soomaali ah oo iska dhex gashay badwayn halis ah. Haweenaydan ayaa soo duubtay farriin muuqaal ah oo aan la aqoonin ujeed iyo ka jeeddo ay ka lahayd balse dembi iyo tuhmo qoorta u suray iyada iyo Soomaalida.

Waxay gudbinaysaa farriin isku dhex yaacsan oo mar waxay inkiraysaa in gabar la qabtay ay qaraxa ka dambaysey iyadoo “miskiin” ku sheegaysa, mar waxay wacdinaysaa Soomaalida oo ay leedahay is jira, mar waxay sheegaysaa inay muuqaallo ka hayso qaraxa.

Tan kale ee ugu darani waa inay Turkiga “cawaan carsan” ku tilmaamayso, iyadoo aan la aqoonin sababta ay arrimahan uga hadlayso. Haatan waa lagu raad joogaa lafteeda.

Yeelkeede, hadalka gabadhan ayaa waxaa markiiba la kacay ilaa afar qolo oo ay birtu dul saarayd kuwaasoo kala ah; ururrada PKK, FETÖ iyo laba qaybood oo kala ah Carabta oo kasoo gelaysa inay haweenaydu Suuriya ka timid, sida ay AMAANKA Turkigu sheegeen iyo Kurdiga oo ay ku abtirsato.

Waxaa haatan baraha bulshada sidii dab duur ku fakaday u xulaya muuqaalkii ay haweenaydani sida aan laga fiirsan u faafisay oo lagu turjumey wixii af ah min Turkish, Carabi, Kurdi, Beershiyaan IWM.

Tan ugu yaabka badani waa in loo tarjumey sheekadii inay leedahay ”qofka la hayo waa walaashay, waa ina adeertay IWM.”

Waxaa taa ka dhashay doodo badan oo ka dhan ah Soomaalida oo markii horaba ay qaar arrintan u saarinayeen, iyagoo doonaya inay isku nadiifiyaan oo isku beri yeelaan nabyada haweenaydan, waana arrin uu Soomaalida ka difaacey weriye maxalli ah oo madax bannaan misna Turki ah oo la yiraahdo Malik Ejder.

Ejder ayaa Twitter-ka ku qoray in gabadha hadlaysaa ay kaliya ka cabanayso cunsuriyadda ay ku wajahayso Turkigee aysan la dhalanin gabadha argagixisannimada ku eedaysan.

Weriye kale oo Turki ah oo la yiraahdo Mete Sohtaoglu, ayaa isna sidoo kale soo qaatay qoraallo muujinaya sida ay runtu tahay ee ah inaysan gabadhu marna dhihin waxaan walaalo nahay gabadha la qabtay.

Hadalsame Media