XOG: Dhamaan taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo la bedeli rabo & Wacaal ku saabsan ragga imanaya

0

(Hadalsame) 14 Nof 2022 – Haddii aan wax iska bedelin, Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayay hortaala wareegtada xilka qaadista Talisyada ciidamada xoogga dalka iyo Booliska.

Waxaa ilaa hadda la xaqiijiyey in dhammaan qaeybaha uu ka kooban yahay Taliska xoogga dalka loo diyaariyey Isbedel cusub, iyadoo oo ay dhalinyarro firfircoon hoggaamadooda joogeen, laguna bedelay xubno taabacsan Madaxweynaha.

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa lafilayaa in loo dhiibo, Sarkaal kasoo jeeda dhinaca Puntland, kaas oo horey uga mid noqday ciidamada DANAB.

Ha yeeshee, aan hadda toos uga tirsanayn, maalmihii u dambeeyeyna Madaxwayne Xasan u dhiibtay qeyb kamid ah (Galka ciidamo loo qaaday meel kabaxsan Soomaaliya), inkasta oo qaar kamid ah saaxiibada Madaxweynuhu dood ka keenen da’ada iyo khibradiisa.

Warar kale ayaa sheegaya in lasoo celinayo Taliyihii hore ee Danab, Ismaaciil Cabdimaalik oo ay aad isu qabteen nidaamkii Farmaajo.

Taliyaha ciidanka Lugta, Taliyaha Gorgor iyo Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka ayaa iyana laqorsheynayaa isbedelkooda isla wareegtada Madaxweynaha.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa loo wadaa qof uu ku kalsoon yahay Madaxweyne Xassan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kaas oo hadda qeyb ka ahaa mashruuca qorida ciidamo Soomaali ah oo ay qoranayeen dawladdaha Imaaraatka & Masar, kaas oo laga waday Muqdisho.

W; D: Faarax Cabdulqaadir & M Xaaji.

Hadalsame Media