Ukraine oo qiratay inuu Ruushku gantaalo MUGDI uga dhigay inta badan magaalooyinka dalkaasi + Sawirro

0

(Kyiv) 14 Nof 2022 – Ruushka ayaa waxa uubartilmaameedsaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine oo uu la dhacay gantaalo “waawayn”, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine oo hadlay.

Weerarka ayaa yimid wax ka yar hal maalin kaddib markii uu Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky uu soo bandhigay shuruudo uu ku xiray wadahadal nabadeed oo lala yeesho Ruushka, taasoo ay Moscow ku tilmaantay “mid aan macquul ahayn oo aan ku filnayn horumar dhankaa laga sameeyo.”

Ciidamada Ruushku “waxay 85 gantaal ku garaaceen Ukraine,” ayuu Zelensky ku sheegay khudbad deg deg ah fiidnimadii Talaadadan. Xafiiskiisa ayaa xaaladda weerarka ku tilmaamay “mid halis ah”, isagoo intaa ku daray in inta badan weerarrada lala beegsaday xarumaha ku yaala bartamaha iyo woqooyiga Ukraine.

Xaaladda caasimadda Kiev ayaa gaar ahaan aad u adag, sida uu sheegay Xigeenka Madaxa Maamulka Madaxtooyada, Kirill Timoshenko. Bixiyeyaasha korontada Ukraine ayaa waxay ku dhaqaaqeen inay deg deg u gooyaan korantada si ay uga fogaadaan inay cilladoobaan  nidaamyada laga xukumo korontadu.

Sida laga soo xigtey maamulka maxalliga ah, kala bar dadka deggan Kiev iyo ilaa 80% dadka ku nool magaalada galbeedka Ukraine dhacda ee Lviv ayaa noqday koronto la’aan kaddib weerarradan culus.

Illaa 9 gobol oo Ukraine ah ayaa lagu bartilmaameedsaday weerarkan, sida ay sheegeen maamulka Ukraine.

Hadalsame Media