RW Xamse oo 9 hindise sharci u gudbiyey Baarlamanka DF Somalia & Noocyada ay yihiin

0

(Hadalsame) 15 Nof 2022 – Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Guddoonka Golaha Shacabka u diray warqad ay taxan yihiin 9 hindise sharci oo ay soo gudbisey Xukuumadda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo.

Waxaa hindise sharciyadan oo ay ku jiraan qaar badan oo muddo dheer la dhowrayey kaalinta koowaad uga jira mid cusub oo loogu magac daray “sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman”.

Sharcigan ayaa loo isticmaali karaa in lagu nidaamiyo ganacsatada & Bangiyada Soomaaliya oo aan haatan nidaamsanayn (regulated), waloow laga cabsi qabo in siyaabo gaar ahna loo adeegsan karo.

Waxaa kaalinta labaad ku jira hindisaha sharci ee la dagaalanka argagixisada kaasoo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay dooddiisu hortaalley qaacada Baarlamaanka Federaalka, balse aanay marna dhicin inuu guulaysto.

Waxaa sidoo kale ku jira hindisaha sharciga canshuurta dakhliga iyo qaar kale oo badanha

.

 

Hadalsame Media