Ruushka oo markii ugu horraysey duqeeyey dal NATO ka tirsan (Dal aan Ukraine ahayn oo ay korontadii ka go’day)

0

(Kyiv) 14 Nof 2022 – Gantaalo habow ah oo uu Ruushku soo ridey ayaa la sheegay in ay u gudbeen dalka Poland Talaadadan, taasoo noqonaysa markii ugu horraysey ee dal NATO ah uu Ruushku weeraro inta uu socdey dagaalka Ukraine, xilli ay Kremlin-ku weerar xooggan ku qaaday Ukraine kaasoo sababay in 7milyan oo guri ay koronto la’aani ku dhacdo.

Labo qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay tuulo ku taal bariga Poland, taasoo keentay in xukuumadda Warsaw ay shir deg deg ah yeelato – halka 100-ka gantaal ee lagu weeraray Ukraine oo aad u darani ay xitaa korontadii ka jareen waddan saddexaad oo ah Moldova.

Qaraxa ka dhacay dalka Poland ayaa burburiyey cagaf cagaf taalley tuulada Przewodów, oo qiyaastii 40 mayl (65 km) u jirta xuduudda, xilli la weeraray magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine.

Weerar ula kac ah oo lagu qaado xubin ka tirsan NATO ayaa waxay aragti ahaan horseedi kartaa in la dabaqo qodobka 5-aad ee isbahaysiga, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado dal xubin ah ama ka tirsan isbahaysiga millateriga loo arko weerar ka dhan ah dhammaan NATO.

Mateusz Morawiecki, Ra’iisul Wasaaraha Poland, ayaa si deg deg ah isugu yeeray wasiirrada Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga, sida uu sheegay Afhayeenka Dowladda, Piotr Müller, isagoo aan si cayiman u sheegin sababta kulanka deg degga ah.

Yeelkeede, heshiiska NATO ayay aad ugu badin tahay inaan loo isticmaalin weerar shil ah.

Hadalsame Media