Maraykanka iyo Ruushka oo kulan qarsoodi ah yeeshay (Arrin xasaasi ah oo ay isla soo qaadeen)

0

(Washington, DC) 15 Nof 2022 – Saraakiisha Ruushka iyo Maraykanka ayaa wadahadal aan la shaacin ku yeeshay caasimadda Turkiga ee Ankara Isniintii, sida uu qoray wargayska Kommersant ee Ruushka kasoo baxa oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin, xilli ay jirto xiisad xooggan oo u dhaxaysa Moscow iyo Washington oo ku saabsan dagaalka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Fahrettin Altun ayaa xaqiijiyay kulanka. “Waxaan xaqiijinaynaa in Turkigu uu martigeliyey shir ay yeesheen madaxda hay’adaha sirdoonka Ruushka iyo Maraykanka horraantii maanta,” ayuu Altun u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in kulankani uu ahaa mid ay soo qabanqaabisay Hay’adda Sirdoonka dalka ugu sarraysa, uuna ka dhigan yahay kaalin kale oo wayn oo Turkiga iyo Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ay ka gaysanayaan nabadda caalamka.

Xogta la socodka duullimaadyada ayaa muujisay in diyaarad ay leedahay Dowladda Ruushku ay soo gaartay Ankara abbaarihii 8:30 subaxnimo ee GMT.

Waxaana la sheegay in diyaaradaha noocan ah uu caadiyan isticmaali jirey oo kaliya Wasiirka Arrimaha Dibedda Sergei Lavrov, oo hadda ka qaybgelaya shir ka dhacay Bali, iyo Sergei Naryshkin, oo ah madaxa adeegga sirdoonka dibadda ee SVR.

Kommersant ayaan wax tafaasiil ah ka bixin ujeeddada wadahadallada. Balse, Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay u furan tahay inay markasta la xiriirto Ruushka si ay ugala hadasho sidii loo maarayn lahaa khataraha jira, gaar ahaan kuwa Nukliyeerka.

Hadalsame Media