KASHIFAAD: Xisbiga SD ee Sweden oo lagu helay inuu adeegsado dad CBB ah oo ummadda marin-habaabiya (Magacyada)

0

(Hadalsame) 15 Nof 2022 – Xisbiga Sverigedemokraterna ee SD oo ka duulaya xeeladaha Naasiga ee Trump adeegsadey, ayaa si qarsoodi ah u dhistay dad CBB oo kale ah oo baraha bulshada ka howlgala iyagoo ku ciyaaraya dareenka shacabka, sida uu qoray ETC.

Nacaybka internet-ka uu xisbiga SD oo haatan olog la ah xisbiyada midigta ah ee Sweden maamula, walow uusan isagu xukuumadda ku jirin, ayaa mushahar ku qaata inay dacaayado qarsoon ku dhex faafiyaan boqolaal kun oo taageere oo ku raaca bogag Facebook oo aan wadanin magacyo la aqoonsan karo.

Iyada oo la kaashanayo ilo gaar ah, Dagens ETC hadda waxay daaha ka qaadi kartaa in Jimmie Åkesson uu siinayo dagaalyahannada khadka tooska ah amarro ay ku bilaabaan ololaha doorashada iyo nacaybka ka dhanka ah maamulka.

Dagens ETC ayaa waxay daaha ka qaadeen in Guddoonka SD ee Jimmie Åkesson uu yahay ninka caawiya oo awaamiirta siiya dagaalyahannadan baraha bulshada, gaar ahaan xilliyada ololaha doorashada oo ay nacayb ka dhan ah nidaamka jira iyo shacabka qaar si kas ah u faafiyaan.

Waxa guruubyadan oo ay ku jiraan Battlefield oo lagu faafiyo aragtiyaha cunsuriga ah ihi ay adeegsadaan ka mid ah: Webka Samhällsnytt, bogagga Facebook sida Politiskt inkorrekt oo ay raacaan 87 000 qof, ”Det nya spännande Sverige”, waxaana wada rag ay ka mid yihiin Roger ”Salle” Sahlström, kaasoo lagu helay dembiyo cunfi ku salaysan islamarkaana wax ku qora warbaahinno xag-jirku leeyihiin Dispatch inter­national, Nya tider iyo Avpixlat.

Maamulka sare ee Xisbiga SD oo barahan u adeegsada marin habaabinta bulshada, geddinta ra’yul caamka iyo suurad xumaynta dadka shisheeyaha ee Sweden deggan, ayaa diiddan inay arrintan, oo kasoo horjeeda xeerarka Sweden, ka hadlaan.

Halkan kasii aqri….

Roger ”Salle” Sahlström

Hadalsame Media