KASHIFAAD: Ciidamada Badda UK oo lagu helay inay qayb ka yihiin soo gudbinta dadka sharci darrada ku gelaya dalkaasi (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 15 Nof 2022 – Maraakiibta Ciidamada Badda Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu qabtay iyagoo si qarsoodi ah iskaga kaashanaya in KanaalkaIngiriiska laga soo gudbiyo doomaha tahriibayaal sharci-darro ah oo soo gelaya UK.

Warqaadka Dail Mail ayaa kashifay heerka iskaashiga aan caadiga ahayn ee iskaashiga badda ee u dhexeeya labada waddan ee ay wada abaabuleen saraakiisha Ciidanka Xuduudaha UK iyo kabtannada maraakiibta dagaalka ee Faransiiska.

Wada hadallo ay raadiyaha gacanta ku yeelanayaan ayaa idaacad dadwayne oo arrimaha badda ka hadasha lagu duubay subaxnimadii Axaddii, maraakiibta dagaalka ee Faransiiska iyo booliiska badda ee Faransiiska ayaa la maqlayaa iyagoo la xiriiraya maraakiibta dagaalka UK sida Defender, Hurricane iyo Ranger si ay u diyaariyaan la wareegista doonyo ay saaran yihiin muhaajiriin, oo ay ku jiraan shan carruur ah, meel 12 mayl u jirta Kent.

Wadahadalka u dhexeeya maraakiibta ayaa muujinaya in Ciidanka Badda Faransiisku ay si joogto ah u hagaan doomaha muhaajiriinta ee ka imanaya xeebta Faransiiska ilaa bartamaha English Channel, kuwaasoo kaddib doomo Ingiriisku leeyahay soo saara si ay u soo geliyaan Dover.

Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ay la kulantay dhiggeeda Faransiiska si ay u gaaraan heshiis ay rajaynayso in lagu joojiyo doonyaha kasoo gudbaya Channel-ka oo sanadkan UK keenay 40,000 oo muhaajiriin ah, taasoo keentay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha UK ay la daalaa dhacayso tirada badan ee qaxootiga cusub, kuwaasoo qaar badani ay ka yimaadeen Albania.

UK ayaa ujeedka ugu wayn ee ay EU uga baxday ahayd soo galootiga, balse way sii laba-laabmeen tan iyo bixitaankeedii.

Hadalsame Media