Gabar LUUQAD kale ku fasirtay muuqaal gabar Soomaali ah oo Turkiga joogta ay soo duubtay (7 su’aalood oo ka taagan?)

0

(Istanbul) 14 Nof 2022 – Hiba Shookari oo ah gabar ku jirta baraha bulshada ayaa fasiraad Carabi ah saartay haweeney Soomaali ah oo iska dhex gashay badwayn halis ah.

Haweenaydan ayaa soo duubtay farriin muuqaal ah oo aan la aqoonin ujeed iyo ka jeeddo ay ka lahayd.

Waxay gudbinaysaa farriin isku dhex yaacsan oo mar waxay inkiraysaa in gabar la qabtay ay qaraxa ka dambaysey iyadoo “miskiin” ku sheegaysa, mar waxay wacdinaysaa Soomaalida oo ay leedahay is jira, mar waxay sheegaysaa inay muuqaallo ka hayso qaraxa.

Tan kale ee ugu darani waa inay Turkiga “cawaan carsan” ku tilmaamayso, iyadoo aan la aqoonin sababta ay arrimahan uga hadlayso. Haatan waa lagu raad joogaa lafteeda.

Su’aalo 7 ah ayaa haatan la is waydiinayaa waana sababta markiiba muuqaalka ay duubtay loosoo helay, cidda fasirtay oo Turkiga u gudbisey, inay ahayd qof awalba ay sirdoonka Turkiga ee indhaha dheeri ay la socdeen (person of interest), inay cid gaar ihi dirsatay, inay iska hadashay iyo ugu dambayn saamaynta uu warkeedu Soomaalida ku yeelan karo, sababta warkeeda ay Soomaalidu afaf kale ugu fasirayaan maadaama isla Soomaalida loo adeegsan karo IWM?

Hadalsame Media