”Cawaaqib ayaa jiri doona” – Faransiiska oo digniin kulul u diray Talyaaniga & Waxa la isku hayo

0

(Paris) 15 Nof 2022 – Cawaaqib xumo ayaa ka dhalan doonta haddii uu Talyaanigu sii wado inuu celiyo muhaajiriinta laga soo badbaadiyey Badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiiska, Catherine Colonna.

Xukuumadda cusub ee Roma ayaa bishii hore ka mamnuucday markabka Ocean Viking, oo sidey 234 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyey badda, inuu ku xirto dekedaha Talyaaniga.

Colonna ayaa tillaabadaa ku tilmaantay hab-dhaqan keenaya “niyad jab xooggan”, mar ay waraysi siisay wargayska Le Parisien. “Go’aankani waa mid naxdin badan,” ayay raacisay.

“Talyaanigu ma ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo kan badda intaba,” ayay tiri, iyadoo ku adkaysatay in markabkii sida dadka dhibaataysan ee ka imanaya Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ay tahay in laga dejiyo dekedda ugu dhow, waana Talyaaniga.

“Diidmada iyo madax-adaygga Talyaaniga iyo bini’aadminimada la’aantiisa darteed, Faransiisku ayay khasab ku noqotay inuu oggolaado in markabku uu kusoo xirto,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Markabkan oo lagu magacaabo Ocean Viking, oo ay maamusho kooxda Faransiiska ee SOS Mediterranee, ayaa markii dambe ku xirtey dekedda Toulon ee koonfurta bari ee Faransiiska.

Bayaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee Giorgia Meloni, oo ku DOODAY in ay ahayd waajibka Paris bilowgiiba in ay aqbasho markabka, balse Faransiiska ayaa ka digey inay “cawaaqi jiri doonto haddii Talyaanigu ku sii socdo hab-dhaqankan.”

Colonna waxa kale oo ay xustay in Faransiisku uu horraanba hakiyey qorshihiisii ​​hore ee ahaa in uu qaabilo 3,500 oo magangelyo-doon ah, kuwaas oo hadda ku sugan Talyaaniga, waxana uu adkeeyey kontoroolka xuduudka Franco-Talyaaniga iyada oo laga jawaabayo tillaabooyinka Roma.

Hadalsame Media