”Waa caddahay inay luggooyo socoto” – Imisa arrimood ayaa dhacay tan iyo bilowgii dagaalka ”Macawsiley”?

0

(Hadalsame) 14 Nof 2022 – Ciidamadii DF iyo kuwii degaanka ee Macawisley ee qabtay degaanno muhim ahaa oo ay Wabxo ka mid tahay ayaa halkaa iskaga soo baxay, kaddib markii halkaa laga saaray ciidamadii dhanka saanadda iyo farsamada ka caawinayey iyadoo uu amarku ka yimid Taliska Dhexe ee CXD, sida uu sheegay Taliye Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah taliyeyaasha ciidankii qabtay Wabxo.

Haddaba, waxaa jirta dood ku saabsan inay socdaan howlo lagu wiiqayo dadaallada socda ee lagula dagaallamayo Shabaabka, tusaale ahaan, beri dhexe markii ay dhimanayeen rag uu ka mid ahaa Nabaddoonkii Cilmi Hagar Guure, waxaa la sheegay in iyada oo uu dagaalku socdo ciidanka Macawisley iyo kuwa dowladduna ay gacan sarreeyaan lagu amray inay meesha kasoo baxaan kaddibna dhinaca kale gurmad u yimid oo ay soo rogaal-celiyeen.

Mar kale, ciidamo wata hub iyo ciidan oo kasoo baxay Dhuusamareeb una socdey dhinaca Ceel La Helay ilaa Ceelbuur, ayaa iyana mar qura soo baxay kaddib markii la sheegay in la isku khilaafay duqayn la samayn lahaa.

Waxaa sidoo kale jirta, in dagaalkii Masjid Cali Guduud bilowgii aan loo gelin sidii loo qorsheeyey, taasoo keentay inuu khasaare badani soo gaaro ciidamadii DF iyo kuwii Macawisleyda, kaddib markii goobta la isku hagraday.

Waxaa dheer, dagaal niic ah balse aan waxba la isula harin oo maalin dhowayd ka bilowday Cadale, kaasoo dhabarjebin saanadeed iyo mid niyadeedba ku noqonaya ciidamadii la doonayey inay dhinacaa kasoo weerar galaan.

MW hore ee Hirshabeelle, Max’ed Cabdi Waare, ayaa arrintan ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan wax uu ku sheegay ”xoogag qarsan” oo iskugu jira qaar ka mid ah DF iyo qaar ka baxsan oo doonaya inay kharribaan dedaallada socda, isagoo ku baaqay in arrintan si deg deg ah wax looga qabto.

MW Somalia, Xasan Sheekh, ayaan ilaa haatan muujinin wax dadaal ah oo uu kula xaalayo arrimahan iyadoo aysan xita haatan qarsoonayn in si ku tala gal ah loo wiiqayo (sabotage) howlgalkan oo aan sidoo kale u soconin qaab isku xiran, iyadoo marba meel wax laga bilaabayo.

Hadalsame Media