Taariikhda dhabta ah ee gabadha film-ka laga sameeyey ee ka badbaaddey shilkii TITANIC & qaar kale (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2022 – Shilkii Olympic – Isla shirkaddii lahayd markabkii Titanic, oo la oran jiray White Star Line, ayaa shiraacday markab kale oo la yiraahdo Olympic. Waxaa la sheegay in markabkaasi uu ahaa mid la dhisay ka hor Titanic.

Ka hor inta uusan soo bixin Titanic, waxa uu Olympic ahaa markabkii ugu waynaa uguna raaxada badnaa ee jiray.

Markab

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

20-kii bishii September ee sanadkii 1911-kii ayuu markabkan ka baxay xeebta magaalada Southampton, Britain, waxyar kaddibna waxa uu ku dhacay markab dagaal oo ay lahayd Britain oo la oran jiray HMS Hawk.

Nasiib wanaag, cidna kuma dhimanin halkaas, balse markabka ayaa si xun u burburay wuuna quusay. Maadaama uusan ka fogeyn xeebta dib ayaa loo soo celiyay waana la dayac tiray.

Violet waxay ka mid ahayd dadkii saarnaa markabkaas xilliga uu shilka galayay, waxayna ka shaqeyneysay 8 bilood. Xoogaa yar kaddibna waxaa loo wareejiyay markabka Titanic.

Burburkii Titanic kaddib Violet waxay qaadatay tababar kalkaalisanimo.

Burburkii Markabkii Britannic

Sanadkii 1916-kii, oo ahayd afar sano kaddib markii uu quusay Titanic, Violet waxay shaqo kalkaalisanimo ah ka billowday ha’adda laanqayrta cas ee Britain.

Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ayaa socday xilligaas.

Maraakiib badan oo nooca rakaabka qaada ah ayaa loo adeegsanayay in lagu daabulo ciidamada iyo in isbitaal ahaan loogu daweeyo askarta dhaawacanta.

The propellers of the ship used to be so grand

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markabka Britannic oo ay lahayd isla shirkadda White Star ayaa loo baddalay isbitaal wareega. Markabkan waxa uu qudhiisu ahaa “kii labaad ee wayn ee ku xigay Titanic”. Violet waxay ka mid noqotay shaqaalaha markabkan.

Miinooyin badan ayaa lagu tuuray badda, maadaama uu dagaal socday. Britannia waxa uu ku dhacay waddo badda hoosteeda laga dhisay, halkaas ayuuna ku burburay.

Dhacdadan waxay ahayd mid ka naxdin badan kuwii hore, sida ay sheegtay Violet.

Iyadoo ka sheekeyneysa wixii ay kala kulantay ayay tiri: “Nafteenna ayaa meel ku xannibantay. Waxba ma aanan arki karin. Mararka qaar waxaan isku dayayay inaan biyaha galo si aan u neefsado. Biyo ayaa ka daadanayay sankeyga iyo afkeyga.”

In ka badan kun qof ayaa markaas saarnayd markabka, 32 ka mid ahna halkaas ayay ku geeriyoodeen. Dhammaan dadkii kale waa la badbaadiyay. Waxaa jiray sharci lasoo dejiyay musiibadii Titanic kaddib oo dhigayay in markab kasta uu wato doomaha badbaadada oo ku filan dadka rabaabka ah.

Dhammaan saddexda jeerba Violet waxay ku sigatay geeri.

Sanadkii 1920-kii ayay mar ale ka shaqo billowday shirkadda White Star Line.

Inkastoo ay khatar badan la kulantay haddana kama aysan bixi jirin shaqada badda. 40 sano oo kale ayay ka shaqeysay maraakiib. Waxay howlgab noqotay iyadoo 62 jir ah, waxayna geeriyootay 1971-kii, xilligaas oo ay ahayd 83 jir.

BBC

Hadalsame Media