Sida ay kooxaha Serie A ugu kala laacibiin badan yihiin Koobka Adduunka (Arag liiska)

0

(Hadalsame) 14 Nof 2022 -Waxaa todobaad kaddib dalka Qadar ka furmi doona Koobka Adduunka 2022, kaasoo markii 1-aad taariikhda lagu qabanayo dal Muslim ah.

Waxaan haddaba idiin haynaa liiska koox kasta oo Serie A ah uga qaybgelaysa KA2022.

Waxaa 1-aad ku jirta kooxda Juventus oo ay 11 laacib ka aadayaan tartanka, waxaa xiga cududaha kale ee woqooyiga Talyaaniga sida AC Milan iyo Inter Milan oo min 7 ah.

3-aad waxaa ku jirta kooxda SSC Napoli ee koonfurta oo 5 laacib u diraysa, halka AS Roma iyo Atalanta ay min 4 yihiin.

Hadalsame Media